Garaadso Intaadan Guursan: Hagaha Guurdoonka iyo Wehelka Lammaanaha (Afrikaans Edition)

$16.99
by Mubarak Hadi

Shop Now
“Kitaabkan waxaa laga yaabaa mashaakil badan oo guurkaaga saamayn lahaa in uu kaa badbaadiyo. Waa kitaab dhaxalgal ah oo uu u baahanyahay inan iyo innan walba oo doonaya in ay guursadaan. Kitaabku wuxu sidoo kale anfacayaa dadka is qaba oo waa kitaab ku salaysan jidkii uu Nabi Muxammed, scw, noo jideeyay, kolka ay noqoto sida qoys loo dhaqo. Kitaabkani waa kitaab noqonaya “Manual for Marriage” oo wixii noloshaada guurka ku saabsan u noqonaya cabbir iyo qiyaas, saxda iyo khaladkana ku kala tusa.” — Sheekh Saciid Raage "Murtida uu qoraaga ku soo gudbinayo buugga waa jidraaca loo mari karo iyo qaayosoorrada (qiyamta) uu ku saldhigi karo qoys wanaag ku sifooba oo ku jooga inta uu jiro. Ilaha Diinta Islaamka iyo aqoonta culuunta bulshada (sociology) iyo nafsiga (psychology) ayuu qoraagu u noqonayaa oo uu murti lagu arooro ka soo tuujinayaa. Caalin wadaad ah, aqoonyahan cilmibaadhe ah, iyo filosuuf fikiraa ah oo hal qof ah baa hal mar ku hor imanaya; misana waxa aad la kulmaysaa nin da’diisa ka weyn iyo waayeel waayo-arag ah oo aan taladiisa dhulka la dhigin. Runtii waa buug magaciisa isagu iska leh. — Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) Qoraaga buugga Qaran iyo Qabiil: Laba aan is Qaban “Buuggani waa hage iyo haleelsiiye; wuxuu koobsaday tababbar, tusmayn, tusaalayn, iyo talo bixin tiirkeedu yahay aqoon badhax tiran oo ay ku ladhantahay waayo-aragnimo ay u aayi doonto cid kasta oo weelaysaa. Qoraa Mubaarak waxa uu si isku mid ah xarfaha buuggan iyo xogta ku duugan ugu xardhay dhalinyarada rabta inay xayndaabka guurka xajiin la’aan ku galaan iyo xaaslayda rabta in aanay si fudud xadhiggaa Rabbaaniga ah uga xuubsiiban. Waa buug badbaado u noqon doona dhallinta u heellan inay u gudbaan marxaladda guurka iyaga oo aan haasawaha ka mudan hagardaamo, han-jab iyo hungow himiladooda wiiqa. Buuggan aqoonta ku duugan oo la dhaqan-geliyaa waxay horseedi doontaa samo iyo sareedo. Waxaan saadaalinayaa in buuggani dawo ka hortag ah u noqdo aafada furniinka, agoonnimada dadban, iyo aayatiin la’aanta ubad aan qorshe iyo qiime nololeed midna loo sii qoondayn oo la dhalo.” — Xamda Xuseen Maxamuud Qoraaga buugga " Aabbaha Haldoorka Ah." “Waxa hubaal ah in qof kasta uu baahi u qabo inuu guursado, isla markaana uu ku hamminayo inuu helo nolol qoys oo raaxo iyo raynrayn leh. Waxaase adag mararka qaar qofku siduu ku hirgalin lahaa riyadiisaa qoyseed ee quruxda badan. Haddaba, haddaad tahay qof guurdoon ah ama guursaday oo riyadaa aan soo sheegnay leh, fadlan yaanu ku dhaafin buuggan ‘’ Garaadso Intaadan Guursan’’ ee uu qoray Mubarka Hadi. Waxaad ka heli doontaa aqoon kuu iftiimisa garaadka, aadna ku dhisan karayso guur guuleysta. Mahadsanidiin.” — Axmed Johari & Hibo Cumar - Happy Family Academy “Walow aan is lahaa xog badan ayaad ka haysay mawduuca guurka, in badanna aan ku hawllanaa, waxaabaan is leeyahay kaligii ayaa kugu filnaan lahaa haddii aan mar hore heli lahaa buuggan. Garaadso Intaadan Guursan waa buug haddii aanad wali guursanna ku leh halkan ayaad ka heli garaadkii guur ee kaa maqnaa, haddii aad hore u guursatayna ku leh wali waqti kaa ma tagine soofeyso garaadkaaga guur iyo qoyseed. Qoraagu wuu ku mahadsanyahay inuu dhigaalkan qiimaha leh inoo reebay, innagana Allaah ha ina ka yeelo kuwii ka faa’iideysta.” — Ibraahim Waaberi Qoraaga buugga " Dhabar Adayg"

Customer Reviews

No ratings. Be the first to rate

 customer ratings


How are ratings calculated?
To calculate the overall star rating and percentage breakdown by star, we don’t use a simple average. Instead, our system considers things like how recent a review is and if the reviewer bought the item on Amazon. It also analyzes reviews to verify trustworthiness.

Review This Product

Share your thoughts with other customers