Waa lix irridood, oo aan u kala hor mariyay sida aan is idhi waa ay u sii kala mudanyihiin, walow irridaha qaar ay adagtahay in la kala hor mariyo. Laba ayay kala yihiin in aad kaliya ogaato irrid ka mid ah irridaha farxadda iyo in aad furto, oo aad gudaha u gasho, isla markaana aad fuliso. Tan dambe ayaana farxadda keenta, ee maaha ogaanshaha oo kaliya. Qaybtani waa daabacad cusub, waxaana laga joogaa maanta soo saaristii koobaad muddo toban sannadood ah. Haddii uu jiro qof akhriyay waqtigaa, markuu akhriyo haddeer, wuxuu u malaynayaa buug cusub oo gabi ahaan ka gaddisan kaa hore. Toban sannadood oo aan isku dayay in aan wax badan ka sii fahmo farxadda, isla markaana aan u soo gudbiyo sida ugu fudud. Ilaahay intan ayuu i waafajiyay, iguna simay.