Khaladaadka Barbaarinta: 10ka Khalad ee ugu Waaweyn iyo Xalalkooda (Somali Edition)

$18.00
by Mubarak Hadi

Shop Now
❝Buuggan wuxu ku saabsan yahay 10ka khalad ee ugu waawayn ee uu waalidku galo iyo xalkooda. Qoraagu wuxu si faahfaahsan buugga ugu soo gudbinayaa aqoonta iyo xirfadaha aasaaska u ah barbaarinta wanaagsan. Wuxu khalad-saxayaa fahannada khaldan ee barbaarinta innaga haysta sida: korinta iyo barbaarinta, edbinta iyo ciqaabta iyo farqiyada u dhexeeya. Wuxu tilmaamayaa caqabadaha qarniga 21aad iyo sida habboon ee aan ubadkeenna casrigan u dhex barbaarin karno. Buuggan waa hage muhiim u ah qoyska oo doonaya in uu soo saaro ilmo caafimad qaba iyo carruur mas'uul ah.❞ - Maxamed Cabdulaahi Cartan Agaasimaha Madbacadda Looh Press MUBARAK HADI qoraa, tababbare iyo daaci ku nool dalka Maraykanka. Wuxu waxbarashadiisii jaamacadeed ku qaatay isla dalka Maraykanka isagoo bartay cimiga bulshada & cilmu nafsiga. Wuxu tababare iyo yahay mid ka mid ah aasaasayaasha Machadka Horumarinta Awoodaha Aadanaha ee PHD Center oo ay xaruntiisa tahay dalka Maraykanka. Mubarak Hadi, waa qoraa leh labo buug oo uu ka mid yahay "Garaadso Intaadan Guursan" oo gayiga soomaalida caan ka ah. Tobankii sano ee lasoo dhaafay, wuxu ku hawlanaa majaalka tababbarka iyo tadriibka, isagoo tababarro iyo talooyinna siiyay boqollaal qof. ❝Buug ku soo beegmay xilli baahi loo qabo barashada barbaarinta.❞ - Dr Sheekh Cali Maxamed Saalax Qoraa iyo imaamka Towfiiq Islamic Center, Oslo, Norway ❝Murti waalid walbaa wuu u baahan yahay in uu akhriyo.❞ - Sheekh Maxamed idriis Daaci & qoraaga buugga: "Horumarka Turkiga iyo Hoggaaminta Erdogan" ❝Waa buug mudan in lagu kaydsado qalbiga.❞ - Sheekh Abuu Dalxa Qoraa, muddarib & Daaci Soomaaliyeed ❝Akhri buuggan si aad uga badbaaddo khaladaadka barbaarinta.❞ - Dr. Sheekh Axmed Nuur Macallin Iimaamka Abubakr Islamic Center ee Washington ❝Waxaan ku talinayaa in waalid kasta uu buuggan gurigiisa yaallo.❞ - Dr. Sheekh Axmed al-Yamaani Qoraa, Daaci iyo aasaasaha Machadka 'Iqrakidz' ❝waana u muhiim waalid kasta.❞ - Dr. Zahra Maxamed Cabdi Qoraa iyo daaciyad ❝Waxan odhan karaa waa qoraalkii ugu muhiimsanaa qoraal Soomaali loo qoro.❞ - Fathia Absie Qoraaga buugga 'Mahadho'

Customer Reviews

No ratings. Be the first to rate

 customer ratings


How are ratings calculated?
To calculate the overall star rating and percentage breakdown by star, we don’t use a simple average. Instead, our system considers things like how recent a review is and if the reviewer bought the item on Amazon. It also analyzes reviews to verify trustworthiness.

Review This Product

Share your thoughts with other customers